HomeNewsEast AfricaRa’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in shirka laga filayo in uu kasoo baxo qodobo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka iyo maamulka Internet-ka ee dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Soomaaliya looga baahan yahay inay la jaanqaaddo dalalka kale ee hore u dejiyey sharciyo cad oo ku saabsan isticmaalka Internet-ka. Wuxuu tilmaamay in wadamada caalamka ay nidaamiyeen isticmaalka Internet-ka, halka Soomaaliya ay weli la daalaa dhaceyso isticmaal aan nidaamsanayn.

“Dal kasta oo dunida ka mid ah wuxuu leeyahay sharciyo cad oo lagu nidaamiyo Internet-ka, si qof kasta oo ku xadgudba uu u wajaho ciqaab sharci ah. Soomaaliya waa inay qaaddaa tallaabo la mid ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu ku baaqay in wax laga beddelo habka loo adeegsado Internet-ka, si loo sugo anshaxa iyo mas’uuliyadda dhijitaalka ah. Sidoo kale, wuxuu ku booriyey shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay inay dhowraan midnimada qaranka, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka.

“Waa inaan danta guud ka hormarinaa tan shakhsiga, si aan u gaarno horumar waara oo bulshada u wada dhan,” ayuu raaciyay.

Shirkadaha Internet-ka oo Laga Dalbaday Cadaalad iyo Iskaashi

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka inay bulshada si siman ugu adeegaan, ayna ka fogaadaan tartanka aan faa’iido u lahayn dalka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay nidaam caddaalad ah oo shirkaduhu ku mideysan yihiin, si loo xoojiyo kalsoonida iyo tayada adeegyada dhijitaalka ah.

Xukuumadda DanQaran oo Ku Hawlan Dhisidda Shuruuc Dhijitaal

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhisidda sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka. Dadaalladaasi ayuu sheegay in lagu xaqiijinayo amni dhijitaal ah, ilaalinta xuquuqda isticmaalayaasha, iyo hormarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments