Madaxweyne Trump oo Ka Laabtay Qorshihii Kulan uu la yeelan lahaa Madaxweyne Putin

0
15

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah uga noqday qorshe uu horey ugu dhawaaqay oo ahaa in uu la kulmo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, toddobaadyada soo socda, kaddib markii Ruushku caddeeyey inuusan diyaar u ahayn wax heshiis nabadeed ah oo lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Isbedelkaani wuxuu imaanayaa iyadoo dhowr maalmood ka hor uu Trump sheegay in uu taleefan kula hadlay Putin, islamarkaana ay ka wadahadleen qorshe degdeg ah oo kulan fool-ka-fool ah loogu qabanayo magaalada Budapest, si ay uga wada hadlaan xalka colaadda Ukraine.

“Haddii kulankaasi uu noqonayo mid aan waxba ka soo bixin, waqtiga la gelin lahaa ma aha mid qiimo leh,” ayuu yiri Trump, isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey sababta kulanka loo baajiyey.

Tallaabadan waxay muujinaysaa xiriirka murugsan ee u dhexeeya labada hoggaamiye, oo marba marxalad cusub galaya. Mararka qaar Trump wuxuu muujiyaa is-dhaxgal diblumaasiyadeed, halka mararka qaarna uu hadallo hanjabaad ah u diro Putin. Si kastaba ha ahaatee, lama arkin tallaabo adag oo Trump ka qaaday Ruushka, xitaa marka xaaladdu ay faraha ka baxdo.

Dagaalka Ukraine ayaa weli socda, iyadoo dadka rayidka ah ay si daran u saameeyeen duqeymaha joogtada ah ee Ruushku ku hayo magaalooyin badan oo dalkaas ka tirsan.