Go’aankii Kaso Baxay Maxkamadda Sare ee Kiiskii Sayid-Cali

0
177

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud, ninkii gubay xaaskiisa, Luul Cabdicasiis Maxamed. Go’aankan ayaa imaanaya ka dib markii maxkamadaha darajada koowaad iyo racfaanka hore u xukumeen dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Axmed Yuusuf, ayaa caddeeyay in Sayid Cali lagu helay dambiyo culus, waxaana la sheegay in racfaankiisa la diiday. Tani waxay ka dhigan tahay in xukunka dilka ah ee maxkamaddu uu yahay mid kama dambays ah, taas oo ka dhigan in aanay jirin fursad kale oo rafcaan ah.

Ehellada marxuumadda, gaar ahaan aabaheed Cabdicasiis, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankan, iyaga oo muddo dheer sugayay cadaalad. Go’aankan wuxuu muujinayaa in nidaamka caddaaladda uu shaqeynayo, isagoo sidoo kale ku tusinaya in cadaaladdu ay tahay mid la gaari karo.

Kiiskan ayaa sidoo kale iftiiminaya muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sharciga iyo xukunka cadaaladda si loo ilaaliyo xuquuqda dhammaan muwaadiniinta. Go’aankan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ku wajahan dhameystirka cadaaladda ee kiisyada noocan ah.

Halkan Ka daawo Go’aankii Maxkamadda