Guuldaradii Monaco ayaa siisay PSG in ay 12 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka iyada oo ay u hadhsan tahay 3 kulan waxayna la macno tahay in ay horyaalka France u tahay rekoodhkii 12 aad.
PSG ayaa sabtidii ku guulaysan kartay horyaalka hadii ay gurigeeda ku garaacdo kooxda dhibtoonaysa ee Le Havre, laakiin ugu danbayn waxay u baahdeen daqiiqadii 95 aad in ay la timaado goolka barbaraha si ay barbaro 3-3 ah ugu soo laabtaan.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaartaas ka dib tababaraha Luis Enrique ayaa ku adkeystay in kooxdiisu ay ku guuleysatay horyaalka “shaki la’aan”, maadaama ay 12 dhibcood ka sareeyaan iyadoo 12 dhibcood oo kaliya ay u harsan yihiin inay u ciyaaraan, sidoo kale waxay ku faanaan farqiga goolasha oo aad uga sareeya kan Monaco.
Guuldaradii kooxda maamulaha ee Lyon ayaa si kastaba ha ahaatee ka dhigaysa in PSG si rasmi ah loo caleemo saaro, waxayna diyaarisay Arbacada lugta hore ee semi-finalka Champions League ee ay marti u noqon doonto Borussia Dortmund ee Germany.