ISTABUL (Warkamedia.com) – Maanta ayaa GUDOOMIYAHA labada Aqalka ee BFS oo casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa ka qeyb galay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka Al-Qudus, kaasoo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Tayyip Erdoğan.
Ka qeyb galayaasha shirka 5-aad ee “Barlamanka Qudus” ee ka socda Istanbul ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, si adagna looga hortago weerarada iyo xadgudubyada ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta.