Dar-es-Salam, (WARKAMEDIA) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dar-es-Salam Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, Marwo Samia Suluhi Hassan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha Geeska.
Madaxweyne Xasan oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ka dib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha ayaa ku casuumay madaxweyne Samia Suluhi Xasan inay timaado Soomaaliya.