Washington DC ( Warka Media): Kulamo xiriir ah oo muhiim ah, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iiman Cige, ayaa si firfircoon ula fal-galay mas’uuliyiinta ugu sareysa Bangiga Adduunka oo ay ku jiraan IMF iyo World Bank. Wasiirku waxa uu ka qayb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Afrika, isaga oo wakiil ka ahaa asaagiisa, isla markaana khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay afkooda hooyo.
Khudbadda Wasiir Cige waxa uu ku nuux-nuux saday horumarka la mahadiyo ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinacyada deyn-cafinta, soo kabashada, iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo dalka ka dhigay mid tusaale u ah dalalka soo koraya ee la tacaalaya deymaha laga soo bilaabo December 2023. Khudbaddiisa ayaa hoosta ka xariiqday horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo sida ay dalka uga go’an tahay xasilloonida maaliyadeed ee joogtada ah. iyo koritaanka.
Kulan gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ayaa Wasiir Cige iyo wafdigiisa waxa ay la kulmeen guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarinta iyo tayeynta taageerada Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, taasoo cadeyn u ah iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.
Bangiga Adduunka, oo ah saaxiibka joogtada ah ee Soomaaliya, wuxuu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dadaallada horumarinta iyo dib-u-soo-celinta maaliyadeed ee qaranka. Mashruucyo la sheegay in ay si wanaagsan u socdaan, wadashaqeyntan ayaa ah tilmaan rajo u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo barwaaqada mustaqbalka.